Rwanda oo ka furmay shir loogo hadlayo isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Afrika

Date:

Waxaa magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda ka furmay wajiga labaad ee Shirka dhamaystirka Hab-maamuuska Qabyo qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa (free movement of person in Africa).

Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay’addaha Socdaalka Afrika ( Immigrations of Africa ) madama arrimaha laga hadlayo ay yihiin shaqooyinka Hay’addaha Socdaalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay quburo Soomaali ah oo ka tirsan Hay’adda, kuna taqasuusay shirciyada iyo hababka socdaalada dunida.

Hadafka ugu dambeeya ee laga leeyahay qabyo qoraalkan isku socdka xorta ah ee dadyowga Afrika ayaa ah in dhamaan dalalka Afrika ay isku gudbi karaan, iyadoo aysan jirin wax fiiso ah ama dal-ku gal ah ee lagu soo galayo dalalka Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...