Guddoomiyaha G. Benaadir oo furay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka(Sawirro)

Date:

Guddoomiyaha Banaadir ahna magaalada Muqdisho ayaa si ramsi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha  Ramadaan ee degmooyinka gobollada dalka, kaas oo ay qabaneyson Warbaahinta Qaranka.

Munaasadda furitaanka tartan Cilmiyeedka waxaa joob-joog ka ahaa wasiirka Warfaafinta & Hannuunita Dadweynaha, agaasimaha  guud ee Wasaaradda, agaasimeyaasha Telefishinka Qaranka iyo Radio Muqdisho.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa furitaanka munaasabadda ka yiri “tartankaan  afartii sanno ee u dambeysay waxaa maal-gelinayey maamulka gobolka Banaadir oo aan uga mahadcelineyno taageeradaasi, annaga waxaa naga go’an inaana marnaba joojin howsha aan bulshada Soomaaliyeed u heynno, mar kale waxaan ku faraxanahay in maamulka gobolka uu diyaar yahay oo uu bixiyey taageeradiisa, sidoo kale degmooyinka gobollada dalka ee tartamayana waxaan u rajeynayaa nasiib wanaagsan”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha, Mudane C/raxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) ayaa u mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir, waxa uu intaa ku daray in u jeedada tartankaan ay tahay sidii Jiilka Soomaaliyeed u baran lahaayeen dalkooda, sidoo kale wasiirka wasaaradda ayuu ku ammaanay doorkiisa muuqda ee ku aaddan garab istaagidda joogta ah.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuinta Dadweynaha, Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, ayaa  ugu horreyn u mahadceliyey Duqa Muqdisho Thabit, waxa uu xusay in tartankaan uu yahay mid cilmi-baaris ah oo isku xiraya dadweynaha Soomaaliyeed dal iyo dibedba, wasiirka ayaa sheegay wasaaraddu ay joogteyneyso doorkeeda dhinaca wacyigelinta ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa ku bilaabay “Ramadaan wanaagsan ummadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaan ammaan u soo jeediyanayaa wasaaradda Warfaafinta oo si joogta ah uga qeyb-qaadata isku xirka bulshada Soomaaliyeed dhammaanteen waajib ayaa naga saaran inaan ka qeyb-qaadanno  olollaha Qaran ee Nadaafadda caasimadda dalka iyo guud ahaan dalka intiisa kale, kaas oo degmooyinka gobolka Banaadir oo dhan bishii hal maalin laga fulin doono, sidoo kale waxaa guullo waa weyn laga gaaray amniga caasimadda, dhagarro badan oo cadowga shacabiga Muqdisho la damacsanaa ayeey ciidankeennu ka hortageen, muhiimadda waa Kalsoonida Bulshada iyo ciidanka, waxaan ku boggaadinayaa hey’adaha ammaanka howsha adag ee ay qabteen, INSHA ALLAAH, wax badan oo isbaddel dhinaca amniga ah ayaana ka dhici doona caasimadda”.

Sidoo kale Thabit ayaa sheegay in is-dhexgalka bulshada uu yahay midka ugu weyn ee midnimada ummadda ilaalin kara, ayna ku faraxsan yihiin maamul ahaanna ay u arkaan  in bulshada gobollada oo dhan uu u yahay faa’iido ballaaran.

Guddoomiyaha gobolka ayaa kula dardaarmay degmooyinka tartan cilmiyeedka ka qeyb-galaya in ay degnaansho iyo aqoon uga qeyb-qaataan tartanka inta uu socdo uuna u rajeynayo nasiib wanaagsan, isla markaana uu si rasmi ah u furan yahay Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.

Labada degmo ee caawa tartameysa waa Warta-nabadda oo ka tirsan gobolka Banaadir iyo Xudur oo ka tirsan gobolka Bakool.

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...