Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka iyo masโuuliyin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqday Degmooyinka Doolow iyoย Waajid ee gobollada Gedo iyo Bakool, iyagoo u ย kuurgalayay xaaladda abaaraha ee ka jira deegaannadaasi.
Drs Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Gargaarka oo Warbaahinta Qaranka la hadashay ayaaย sheegtay inay soo kormeereen degmooyinka Waajid iyo Doolow oo ay halkaasi ku soo xogwareysteen dadka ay abaartu sameysay.
โMarka inaan aragno dadkeena, sida Degmada Waajid oo goโdoonsan oo aan soo aragnay xaaladda ay ku suganyihiin iyo jawaabta laga bixiyay in loo gurmado dadka degmaasi ku soo barakacay, anagoo aan soo wareysanay xaaladda ay ku nool yihiin dadka abaarta saameysay, waxaana u mahadceliyay sida ay hayโadaha samafalka uga jawaabeen u gurmashada dadka ay abaartu saameysayโ
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa ka codsatay Hayโadaha samafalka inay sii joogteeyaan u gurmashada dadka ay abaartu saameysay.
