Wafdi uu hogaaminayo Agasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka oo gaaray Dalka Norway

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hayโ€™adda Socsdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Kornayl Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa gaaray dalka Norway halkasi oo ay kulamo kula la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo kaararka aqoonsiga iyo Baasaboorka.

Agaasimaha ayaa masโ€™uuliyiinta uu la kulmay ee Norway waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyoย  aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wifdiga ayaa booqdey Xarunta Kaarka aqoonsiga Qaranka Norway oo ah xarun hubisa saxnimada dukumentiyada, isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xarumaha laga maamulo socdaalka Norway, iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada.

Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah, iyadoo wafdigu uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hayโ€™adda Socsdaalka iyo Jinsiyadda ay maalmaha soo socda ku sugnan doona Dalka Norwey.

Booqashada Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee uu ku tegay dalka Norway ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya iyo horumarinta howlaha hayโ€™adda ay u heyso bulshada Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...