Madaxweyne Farmaajo oo uga Mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Jabuuti Taagerada ay La Garab Taaganyihiin Dowladda Soomaaliya

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka baambeyda, keddibna waxaa isaga iyo wafdigiisa loo galbiyay qasriga madaxtooyada oo uu wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada dowladood ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxay isla garteen in la sameeyo guddi farsamo oo laba dhinac ah oo ay hawshiisu tahay dardargelinta qodobada la isla meel dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan sida ay ugu soo gurmadeen, walina uga qeyb qaadanayaan hawlgalka ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday Xarunta Barlamaanka Jabuuti. Hadal kooban oo uu halkaas ka jeediyay ayuu kula dardaarmay in ay ilaashaadaan wadajirkooda iyo midnimdooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah ka qeybgalay xafladda furitaanka Dakadda Dooraaleh oo 15 KM u jirta caasimadda. Dakaddan oo ah mid casri waxaa maalgeliyay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta gelinka dambe soo gabogabeyn doona safarkooda Jabuuti, waxayna uga sii gudbi doonaan dalka Qatar oo ay casuumaad rasmi ah ka heleen Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Althani.

Booqashadan waxaa madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Isloow iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Dhammaad

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Waxbarashada oo galabta Shaacineyso Natiijada Imtixaanka Fasalka 12-aad

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, waxa...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada oo gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane Faarax...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...