Booliiska Ingiriiska oo aqoonsaday Ninkii fuliyay Qaraxii Manchester

Date:

Iyada oo laga cabsi qabo in Weeraro hor leh ay ka dhacaan Dalka Ingiriiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Theresa May waxa ay sheegtay. in sare loo qaaday suggida ammniga Dalka, kadib Qaraxii ka dhacay Magaalada Manchester oo ay ku dhinteen 22 Qof.

Goobaha muhiimka ah ee Dalka oo dhan ayaa la dhigay Ciidamo Booliis ah, kuwaasi oo ay xoojinayaan Ciidamada Millateriga.

Qaraxa ayaa ka dhacay Masrax ay hees ka qaadeysay Fanaanada u dhalatay ee Mareykanka Raina Grand, waxaana uu ka dhacay Irida hore, markii uu soo dhammaaday damaashaadka.

Waxa ay sheegtay in baaritaanada hordhaca ah ee la sameeyay ay sheegayaan in Weerarka uu fuliyay Salmaan Ramadaan Cabiidi oo da’diisu ay tahay 22 Jir kaas oo asalkiisu ka soo jeedo Liibiya.

“Ujeedadu waxa ay ahayd in Argagixisada ay gaysato khasaaro intaan ka balaaran” sidasi waxaa yiri Theresa May markii uu soo dhammaaday kulan degdeg ah oo ay la qaadatay laamaha ammniga.

Weerarkaan oo Mas’uuliyadiisa ay sheegatay Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 59 Qof.

Baaritaanka Kiiskaan, waxaa loo qabtay Dad kale oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Weerarka ama wax ay ka ogaayeen, waxaana ka mid ah Dadkaasi Nin 23 Jir ah.

Booliska ayaa baaray guryo Dhowr ah oo ay dageen Ninka Weerarka fuliyay  iyo Saddex Caruur ah oo la dhalatay oo ku yaalla Magaalada Manchester.

Dowladda ayaa shaacisay Magacyada 22-ka Qof ee ku dhimatay Qaraxa, kuwaasi oo 16 ka mid ah ay ahaayeen Caruur.

Weerarkaan waa kii ugu qasaaraha badnaa tan iyo sanadkii 2005 xilligaasi oo Afar Qarax oo waa weyn oo ka dhacay Magaalada London ay ku dhinteen 52 sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 700 oo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...