Wasiirka Caddaaladda oo qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

Date:

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub oo maanta booqday xarunta wasaaraddaasi ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xasaan Xuseen Xaaji wasiirka wasaaradda Caddaaladda ayaa xubnaha wafdigaasi kala hadlay arimo ay ka mid yihiin  sidii loo horumarin lahaa  adeegga garsoorka dalka.

Wasiirka  Caddaaladda Mudane Xasaan Xuseen Xaaji  ayaa sheegay in wafdiga ka socday Midowga Yurub ay isla garteen  in wasaaradda laga caawiyo qorshe howleedkeeda u degsan ee ku wajahan horumarinta hannaanka garsoorka.

 

Dhinac kale wasiirka Caddaaladda  ayaa shiir u furay wakiillo ka kala socda mamuul goboleedyada dalka, waxaana uu sheegay  in  kulankaasi uu yahay  mid looga hadlayo xariika  mamuul goboleedyayad iyo Wasaarada Caddaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo Geneva kaga qayb galay shir muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo tababar muhiim ah soo xiray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...