Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo kulan sogootin ah u sameeyey Macalimiin Masaariya

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan sogootin iyo mahad celin iskugu jirta u sameeyay Macalamiin barayaal ka ahaa Iskoolada iyo Jaamacadaha ku yaala Muqdisho kuwaasoo ka yimid dalka Masar haatana dib ugu laabanaya dalkoodi,waxaana munaasbadan ka soo qayb galay Xildhibaano,qaar kamid Golaha Wasiirada iyo Macalimiinta la sogootinayay.

Wasiirka Waxbaraashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cosmaan ayaa mahad celin ka dib waxuu sheegey in Macalimiintan ay dalka joogeen Todobo bilood haatan ay dib ugu laabanayaan dalkooda,waxuu kaloo sheegay in dalka Masar iyo Soomaaliya ay gaareen heshiis ka kooban Shan qodob kasoo la xiriira arimaha waxbarashada. Waxaana heshiiskaas kamid ahaa In Labo Iskool la siiyo macalimiinta Masaarida.

Macaliminta dalka Masar ayaa dhankooda ka mahad celiyey sida loo soo dhaweeyey waxeyna sheegeen inay tagi doonaan dhamaan Gobolada dalka kuna faraxsan yihiin shaqada ay Soomaaliya ka hayaan,sidoo kale waxay casuumeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya inuu ku soo booqdo wadankooda si ay u kormeeraan goobaha waxbarasho ee dalka Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyay xiriirka ka dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya waxuun tilmaamay inuu yahay mid taariikhiya oo ku saleysan waxyaabo badan oo ku qotoma Waxbarashada,Ganacsiga iyo Siyaasada labada wadan, waxuuna cadeeyay inuu dalka Masar uu qayb wayn ka qaatay inay Soomaaliya dib u hesho xoriyadeeda wakhtigii Gumeysiga.

“Dowlada Masar iyo shacabkeeda waxey si wayn nooga taageereen dhanka waxbarashada wakhti ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen inay helaan aqoon dheeraad ah,waxeyna dhiseen goobo waxbarasho sida Iskoolka Amed Guray ee magalada Hargeysa” ayuu yiri R/W ku geenka Soomaaliya.

Ugu dambeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa u mahad celiyey macalimiinta iyo dowlada Masar sida wanaagsan ay u garab taagan yihiin Soomaaliya waxuuna ka codsaday inay sii wadaan taageerida shacabka Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...