Madaxwaynaha Soomaaliya oo Magaalada Riyaadh kula kulmay Dhiggiisa Maraykanka

Date:

Madaxweynaha J.F.Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabiya.

Shirka labada Madaxwayne oo ahaa mid waqti kooban socday ayaa dhacay,kadib shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo dowladda Maraykanka.

Mudane Farmaajo  wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga cirib tiri lahaa.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ballan qaaday in si buuxda ay Dowladiisa  kaga taageerayso dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka labada Madxwayne kadib,ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in uu kala hadlay Donald Trump kaalinta Mareykanka ka qaadan karo arrintan, iyo sidii loo dar dar gelin lahaa la dagaalanka Shabaab.

Shirkan labada Madaxwayne ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...