Wasiir ku xigeenka Wasaarada warfaafinta Galmudug Daahir Faax Fiidow oo u waramay Wakaalada wararka ee SONNA ayaa sheegy in dib loo dhigay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu waday in ay dhacdo 24-ka Bishaan May.
Wasiir daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “xafladii caleema saarka dib ayay u dhacday sababtana waxay tahay waxaa la sugaayay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxaed (Farmaajo) wayna dhiciweysay sababtoo ah Madaxweynaha waxuu ku maqanyahay shaqo qaran,sidaas darteed waxaa leesla gartay in caleema saarka laga dhigo 27ka bishaan May,”.
Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Galmudug uu ka qeyb gali doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.