Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka XFS oo ka qayb galay munaasabad lagu sogootinayay shaqaale ku wareegay Wasaarada Gargaarka

Date:

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamad Guuleed ayaa ka qayb galay xafladda xil-wareejinta waaxda Gargaarka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta loo wareejiyey Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah, iyadoo ay munaasabadda ka qeyb galeen labada Wasaaradood ee loo kala wareejinayey waaxaha.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ku wareejiyey Wasaaradda Gargaarka labo waaxood oo kala ah Waaxda Gargaarka Abaaraha iyo Hay’adda Mareynta Masiibooyinka, waxaana uu tilmaamay inuu si wanaagsan ay u sagootin doonaan shaqaalaha ka wareegaya wasaaraddooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Abaaraha iyo ka hortaga Musiiboyinka Dibiiciga ah, Cilmi Cumar Caynsane ayaa soo dhaweeyey shaqaalaha ay maanta la wareegeen, waxuuna cadeeyay in lagu wareejiyey shaqaale u diyaarsan shaqada ay qaban doonaan, sidoo kale waxuu soo jeediayey in hay’adaha ka shaqeeya arrimaha musiibooyinka ay la shaqeeyaan Wasaaradda Gargaarka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay la shaqeynta Waaxahan lagu wareejiyey Wasaaradda Gargaar. Wuxuuna ka sheekeeyey u jeedka loo sameeyey Wasaarada in ay tahay sidii loo maareyn lahaa abaaraha iyo qaabkii looga tabaabushaysan lahaa abaaraha soo noq-noqda.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...