Raβiisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa furay Imtixaannaadka dugsiyada sare oo la mideeyey, waxaana wehliyey wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka socotay heyβadaha waxbarasho ee dalka.
Raβiisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya oo dugsiga 15 May ee degmada Warta nabadda oo kamid ah meelaha imtixaanka lagu qaadayo booqdey ayaa dhammaan mid mid u salaamay ardayda ka qayb galaysa imtixaanka, isagoo ku dhiri galinayey in ay Β ka dhabeyaan hadafka ah in ay ku guuleystaanΒ imtixaanka iyo guud ahaan waxbarashada.
Wasiirka Β waxbarashadda ee xukumadda Soomaaliya Β Dr. Cabdiraxmaan Daahir Β Cismaan, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadda ay sharaf weyn u tahay qaadista imtixaankaan mideysan, isla markaana ay rajeyneyso in ay ku dhammaadaan si hufan oo nabad ah.
Raβiisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, oo la hadlay Β ardayga galisa imxitaankaΒ ayaa Β xusay in ay ardaydani ay Β tusaaleΒ u yihiin in dalkeenu uu leeyahay mustaqbal wanaagsan wax barashadduna ya horseed Β u tahay Β horumarka dalka.
βmaanta waa maalin ahmiyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, maadaama 27, kun oo ardey Soomaaliyeed ay u fariisanayaan imtixaannaadka dugsiyada sare oo ay wasaaradda waxbashada Xumuumadda mideysay, taas waa guul weyn, wax badanna ka tari doonta tayada waxbarashad dalka, annaga Xukuumad ahaan waxaa naga goβan sidii aan ugu dedaali lahayn kordhinta iyo tayeentada waxbarashada heerarkeeda kala duwanβ ayuu yiri Raβiisul wasaaraha dalka.
Sidoo kale, imtixaanka dugsiga sare ayaa maanta ka bilowday magaalooyinka Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Beledweyne, Cadaado, Gaalkacyo iyo kuwo kale.




