Donald Trump oo ka degay Riyadh Sacuudiga Sawirro

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir uu la yeelanayo Madaxda wadamada Islaamka.

Donald Trump ayaa booqasho rasmi uga bilaabatay dalka bariga dhexe, taasoo ah booqashadiisa u horeysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa, iyadoo sidoo kale ay wehliyeen gabadhiisa iyo wiilka uu sodoga u yahay.

Madaxweynaha Mareykanka iyo Boqorka Sacuudiga ayaa lagu wadaa ka hor inta uusan shirka furmin inay kala saxiixdaan heshiisyo ku baxaya balaayiin doollar oo hub Sacuudiga ku iibsanayo.

Shir madaxeedka Madaxda wadamada Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa furmaya gelinka dambe ee maanta, waxaa jiri doona shirar uu gaar gaar ula yeelanayo Madaxweyne Trump Madaxda dalalka islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda uu qaabili doono, inta uu socdo shirka.

Lugta labaad ee safarkiisa ayaa la filayaa in maalinta Isniinta uu ku tago  Israel, waxaana uu kaddib booqanayaa Xarunta Vatican ee magaalada Rome.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...