Iran oo madaxweyne dooraneysa

Date:

Dalka Iran waxaa ka bilaabatay cod bixinta doorashada  madaxweynenimo.

Tartanka ugu adagi waxa uu u dhexeeya labada murashax ee kala ah madaxweynahah talada haya ee Xasan Ruuxaani  iyo Murashax Muxaafidka ah ee Ibraahim Ra’iisi.

In ka badan 56 Milyan oo ka mid ah dadka reer Iran ayaa saaka u dareeray sanaadiiqda cod bixinta oo la dhigay in ka adan 63 xarun cod dhiibasho oo ku faafsan dalka oo dhan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa sheegtay in ka badan Hal milyan iyo bar shaqaale ah ay kor meerayaan sida ay cod bixintu u socoto, kuwaas oo ka kala socda  wasaaradda arrimaha gudaha, Golaha dhowrista dustuurka iyo wakiillada murashaxiinta.

Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in ay ammaanka doorashada sugayaan 260 kun oo askari oo ka kala tirsan ciidammada ammaanka, ciidammada ilaalada kacaanka iyo kuwa loo yaqaanno Basiijka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...