Iran oo madaxweyne dooraneysa

Date:

Dalka Iran waxaa ka bilaabatay cod bixinta doorashadaย  madaxweynenimo.

Tartanka ugu adagi waxa uu u dhexeeya labada murashax ee kala ah madaxweynahah talada haya ee Xasan Ruuxaaniย  iyo Murashax Muxaafidka ah ee Ibraahim Raโ€™iisi.

In ka badan 56 Milyan oo ka mid ah dadka reer Iran ayaa saaka u dareeray sanaadiiqda cod bixinta oo la dhigay in ka adan 63 xarun cod dhiibasho oo ku faafsan dalka oo dhan.

Wasaaradda arrimaha gudaha Iran ayaa sheegtay in ka badan Hal milyan iyo bar shaqaale ah ay kor meerayaan sida ay cod bixintu u socoto, kuwaas oo ka kala socdaย  wasaaradda arrimaha gudaha, Golaha dhowrista dustuurka iyo wakiillada murashaxiinta.

Waxay wasaaraddu intaas ku dartay in ay ammaanka doorashada sugayaan 260 kun oo askari oo ka kala tirsan ciidammada ammaanka, ciidammada ilaalada kacaanka iyo kuwa loo yaqaanno Basiijka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...