Qaraxyada la fashiliyey waa qeyb ka mid ah guusha Dowladda

Date:

Dibindaabyo aad u xanuun badan iyo Qarax waxyeelo ba’an gaysan lahaa oo ay cadawga la maaganaayeen dadka ku dhaqan Magaalada muqdisho ayay ciidamada Amaanka qaranka ku guulaysteen in ay fashiliyaan, isla markaana gacanta ku soo dhigaan kuwii loo soo dhiibay ee diirka Soomaalida lahaa.

indhawaalaba Muqdisho iyo dadka ku noolba waxay ku jireen weeraro ay soo qaadayeen cadawga ka soo horjeeda jiritaanka dawladnimo iyo islaamnimada baaxadda leh ee uu Eebbe siiyey dadka Soomaaliyeed.

laakiin waxay shacabka Muqdisho kala hortageen niyad adag iyo in aysan u jixinjixin cadawgaas ka soo horjeeda jiritaankooda, waxayna isu sheegayeen in weeraradaasi ay yihiin Qaar naf la caari ah oo la doonayo in lagu baqdin geliyo dadka degaankaas ku nool.

iyaga oo ka faa’iidaysanaya Cadawga isbedelkii ka dhacay dhawaan dalka soomaaliya, ee ay ku kala wareegayeen labadii dawladood tii hore iyo middaan cusub ee uu Garwadeenka ka yahay Geesiga Umadda Soomaaliyeed Madaxwene Maxa’ed C/laahi Farmaajo ayay waxay soo qaadeen weeraro aan naxariis lahayn oo ay wax ku yeeleeyeen in badan oo ka mid Muwaadiniinta soomaaliyeed.

hase yeeshee waxaa la yiri Lax meeshii ay Macal ku barato ayay Macluul ugu baqtisaa, sidaas darteed qawlaysatadu maba ogayn in dawladda haatan jirta in ay tahay dawlad ay iska leeyihiin shacbiga ay gumaadayaan, waxaana ku bilowday in weeraradoodii isdaba yaalka ahaa loo dajiyey Istiraatiijiyo cilmiyeysan oo wax looga qabanayo waxyeeladooda oo ay wada degsadeen shacabka Magaalada Muqdisho ku dhaqan iyo dawladooda ay kawada raaliga yihiin.

waxaana cadawga aan naxariista lahayn ku biloowday Fashilin, waxaana ku dhacay jahwareer iyaga oo kala garan waayey halka looga yimid, waxaadna arkaysaa kuwa qaraxa wada markii ay iska horyimaadaan Ciidamada xalaasha ah ee soomaaliyeed oo naftood hurayaasha ah ay cagaha wax ka dayaan iyaga oo maciin bida in ay ugu yaraan ciidamada isu dhiibaan iyaga oo firka naxasan oo moodaya in ay gacal la yihiin.

taasi waa Guusha dawladda Shacbka ee maanta ka dhisan dalkeena hooyo, waan ogahay in ay jiraan qaar biiriqaatayaal ah oo cadawga gacan ku siiya laynta shacabka, laakiin waxaa haatan muuqata in ay iyaguna kuwaasi sii yaraanayaan maadaama ay ogaadeen in cadawga ay la safan yihiin uu haatan sii iTaal daraynayo, waxayna Doorbidayaan in ay luqumahooda Toosiyaan dhana ay ka raacaan dawladda shacabka, maadaama ay ku jilbo Murxeen Kayn cidla ah.

Haatan ayaa la ogaaday isku duubnida dadka iyo dawladda in ay tahay guusha ugu wayn oo laga gaaro cadawga Ma naxayaasha ah ee jecel dhiig daadinta, waxaan qirayaa in shacabka Muqdisho ay ku jiraan halyeeyo badan oo jecel nabad kuwada noolaanshaha, kana soo horjeeda dilalka macnaha daran ee loo gaysanayo dadka wax garta ama wax yaqaanka ah.

mar dambe haddii Alle yiraahdo Muqdisho kama dhici doono Qarax ay soo maleegeen kuwa nolosha ka dhacay ee shisheeyaha ku adeegto, sababtoo ah waxaa Maanta biloowday isku xirnaan toosan oo dhexmartay shacabka Muqdisho iyo Dawladooda ay ka raaliga yihiin

waxaana la arki doonaa goor aan fogayn Muqdisho oo laga nadiifiyey wasaqda burburka iyo baa’ba ilbaxnimada mooday ee jecel wax Qarxinta iyo godod ku hoyashada sida Eeyda iyo Doofaarka.

waxaa la arki doonaa saq dhaxe haddii Alle yiraahdo dadka Muqdisho oo isaga kala gooshaya Xaafadaheeda iyaga oo ka baqanayn cadaw bahal iyo cadaw kale sida Alshabaab iyo duul kale oo aan haatan sheegayn oo ku jira kuna dhex qarsoon dawladda Shacabka.

kuwaas oo haddaba ka shaqaynaya sidii ay u burburin lahaayeen tiirarka ay ku taagan tahay dawladaan isla markaana ku andacoonayaa in isbedel loo baahan yahay.taasina u socon mayso waxaana la gudboon in ay ka horleexdaan tariinka socda inta uusan jiirin.

 

W.Q: C/risaaq Axmed Absuge

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...