Maxkamadda ciidanka oo xukun dil ah ku fulisay rag geystay Qarax

Date:

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay nin qirtay inuu ka dambeeyay qaraxii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waabari, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof oo u badnaa Ganacsatada Suuqa.

C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40-jir ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dil ku xukuntay bishii March ee sanadkan.

Ninkan ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu is qarxiyo, isla markaana watay gaari caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, hase ahaatee inta aanu qarxin ka hor ayeey ciidamada amniga qabteen, isla markaana intii su’aalaha la weydiinayay ayaa waxaa qarxay gaarigii uu watay.

Maxkamadda ayaa horay xukun xabsi min 15 sano ah ku riday labo nin kale oo ku lug lahaa qaraxa gaariga caasiga ah, kuwaasoo laga soo qabtay Garaash lagu diyaariyay gaariga qarxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...