Qaban qaabada xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socota Muqdisho

Date:

Qabanqaabada Munaasabaddo lagu xusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka-May oo sidoo kale ku beegan sanad guurradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ururkii SYL ayaa ka soconaya meelo badan oo dalka ka mid ah,  ayadoo munaasabadahaasina ay kuwa ugu badan  ka dhici doonaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Maalmahanba ku howlanayd diyaarinta Munaasabadda 15-ka May,waxaana Waddooyinka  Magaalada Muqdusho iyo Taalada S.Y.L   lagu arkayaa Boorar waa weyn oo ka turjumayo xuska Maalinta 15-ka May oo  sanadkan si weyn loogu diyaar garooway.

Sidoo kale Ururada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka jira Dalka ayaa wada qaban qaabo xooggan oo lagu weyneynayo Xuska maalinta 15-ka May oo ku beegan Maanta.

Madaxda  Sar sare ee Dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb-qaataan dabaadegga maalintan, Islamarkaana Hadalo ka jeediyaan  Munaasabadda Xuska 15-ka May .

Sanad kasta Maanta  oo kale  ayaa loo dabaaldagaa xuska  15-May  oo ah maalin dhalinayarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...