WASIIR YARIISOW “SHAQAALAHA DOWLADDA OO BERRI LA FASAXAY”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amray in maalinta berrito ah la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed, si loogu weyneeyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta & Hanuuninta Dadweynaha, Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo ku hadlayey afka dowladda ayaa yiri “kaddib kulan ay wada qaateen caawa, madaxweynaha, ku simaha Ra’iisul wasaaraha, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha  iyo wasiirka Warfaafinta lagu go’aamiyey oo uu madaxweynaha fasax siiyey shaqaalaha dowladda, si loo weyneeyo maalinta xuska 15-ka May oo ah maalin Qaran, u jeedadana waa in la dhiirageliyaa dhalllinyarada Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxaan ku wargelineynaa shaqaalaha dowladda oo dhan in ay fasax ka yihiin dhammaan hey’adaha dowladda”.

Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si weyn loo xuso 13-kii SYL ee gobonnimada Qaranka Soomaaliyeed u soo  dagaallamay, dowladda mar walba ahmiyad gaar ah ayeey siineysaa dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey oo uu  ugu hambalyeeyey guud ahaan dhallinyarada maalinta 15-ka May.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...