Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sheegay in adeegga Garsoorka la gaarsiin doono guud ahaan dalka

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii garsoorka loogu baahin lahaa guud ahaan dalka, ayna xoojin doonaan sidii loo tayen lahaa adeega garsoorka ee dalka, si bulshada ay u hesho cadaalad.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan looga hadlayay horumarinta adeega garsoorka ayaa tilmaamay inay xoogga saarayaan sidii Garsoorka loogu baahin lahaa guud ahaan dalka.

“Garsoorka iyo Cadaaladda waxaa ka shaqeeyaa hay’ado, qaar waa kaabayaal, qaarna waxa ay u yihiin laf dhabar, Cadaaladdu wey balaarantahay, cadaaladdu waxa ay taabaneysa waxkasta oo nolosha muhiim u ah, sida maamulka, waxbarashada, hadaba sida Garsoorka looga rabo in uu howshiisa cadaalad ka shaqeeyo, si taas la mid ah qofkasta looga baahanyahay inay Cadaaladda ka shaqeeyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Avv. Ibraahim Suleymaan Daahir ayaa hadalkiisa ku daray “Hay’adaha kaabo Garsoorka waxaa ka mid ah, Xeer Ilaalinta, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Ururka Qareenada, marka waxaa noo qorsheysan inaan xoojino horumarinta adeegga Garsoorka iyo Cadaaladda, si bulshada u helaan adeeg Garsoor oo Cadaalad ku dhisan”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....