UNHCR & Qunsuliyadda Guud ee Caden oo iska kaashanaya qaxootiga Soomaaliyed ee raba inay dalkooda ku soo laabtaan

Date:

Qusulka guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Caden Axmed Cabdi Xasan  (Axmed Suudaan ) ayaa kula kulmay xafiiskeeda magaalada Caden Mrs Jacqueline Parlevliet oo ah madaxa xafiiska hay`adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay UNHCR ee Caden, isagoo ugu horaynta ugu mahadceliyey Hay’adda Qaramada Midoobay kaalmada joogtada ay ee u fidiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee soo magan galay dalka Yemen 20 kii sano ee colaaduhu ka socdeen Soomaaliya.

Waxaan faahfaahina ka siiyey  xaalada sii adkaanaysa ee ay ku nool yihiin  qaxootiga Soomaalyeed ee weli ku harsan dalka Yemen  oo weli dagaaladu  ka socdaan, taasoo sabab u noqotay inay soo kordhaan cabashooyinka ka imaanaya qaxootiga, maadaama aysan helin adeeg la mid ah kii ay horey u heli jireen dagaalada kahor .

Sidoo kale Qunsulka Guud ayaa u sharxay madaxa Hay`adda Qaxootiga welwelka iyo walbahaarka ay ka qabto dawladda Soomaaliya xaaladda qaxootigii Soomaaliyeed ee lagu  laayey doonta xeebta Xudayda horantii bishii Maarso 2017, kuwaas oo wali aysan suuurto galin in la aaso, sidoo kale kuwii  badbaaday ay weli xabsiyada Xudayda ku jiraan iyo kuwa dhawaca ah oon haysan adeeg caafimaaad oo ku filan .

Qunsulka ayaa madaxa xafiiska UNHCR Caden ka codsaday inay gacan xoogan ka gaysato Hay`addu sidii maydadka loo aasi lahaa, kuwa xiranna loo soo siidayn lahaa, looguna soo wareejin lahaa magaalada Caden iyo kuwa dhaawaca ahba .

Mrs Jacqueline Parlevliet ayaa tilmaantay sida ay uga xuntahay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee weli ku harsan dalka Yemen, waxayna sheegtayna inay dadaal wayn u galeen sidii loo sugi lahaa amaankooda, loona gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga u ah nolosha  sida biyaha, raashinka, caafimaadka iyo waxbarashada,  arintaasna wax fiican laga qabtay  ayna si dhow ula shaqayn doonto qunsuliyadda cadan si wada jir ah loogu xaliyo caqabadaha soo noqnoqda  ee ay sababeen dagaalada ka socda dalka Yemen  .

Dhanka kale MrsJacqueline Parlevliet ayaa tilmaantay inay Hay`adoodu ay si dhow ula socdeen xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee lagu laayey doonta aadna uga murugoodeen, iyadoo sheegtay inay wax badan qabteen, iyagoo tix gelinaya codsiyadii uga yimid dawladda Sooomaaliya, ayna wanaagsan tahay xaaladda nololeed kuwa xiran iyo tan caafimaad kuwa dhaawaca ah, ayna ku dadaalayaan sidii loo soo siidayn lahaa, looguna soo wareejin lahaa Caden, iyadoo tilmaamtay inay jiraan caqabado badan oo u baahan xalin si loogu guulaysto arintaan  .

Ugu dambantii qunsulka iyo Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gacan loo fidiyo qaxootiga doonaya in si iskood ah  ugu noqdaan dalkooda , arintaas oo ay si aad ah u danayanayaan inta badan ee qaxootiga ku xaniban dalka Yemen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...