Muqdisho, 12 May 2017 โ Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Raโiisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ku gaaray goโaamo amniga iyo xasilinta lagu dar-dargelinayo.
Golaha Wasiirada ayaa si wadar-oggol ah u ansixiyey goโaamadan:
- In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
- Maamulka Gobolka Benadir ayaa door hormuud ka qaadanaya iskudubaridka ciidanka howlgalka caasimada.
- Golahu waxey soo dhoweeyeen goโaanka Gobolka Benadir ee ah in Gawaarida laga mamnuuco inay dhigtaan wadada Makka Mukaramma, uguna baaqaan gaadiidleyda inay maamulka Gobolka kala shaqeeyaan arrinkan si amniga aan u wada ilaashano.
- Golaha Wasiirada waxey soo dhoweeyeen kuna ammaaneen Maamulka Gobolka dhisida Golaha Ammaanka ee Gobolka Benadir waxaana la faray hayโadaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan. Golahu waxey isla garteen in Golaha Amniga Golbaka Benadir ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka caasimada.
- Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
- Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
- Kuwa wata warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
- Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN โPolizia-Militariyaโ.
- Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Masโuuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
- Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
- Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
- Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay masโuul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
- Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
- Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
- Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hayโadaha amniga.
- Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu masโuul ka ahaan doonaa:-
- Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
- Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.
- Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
- Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa masโuuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.
Dhammaan goโaanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.
DHAMAAD