Wasiir Cabdi Xoosh โ€œCulumada Soomaaliyeed door aad u muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurkaโ€

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo dhageeysan lahaa talada Culumada ee ku saabasan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay in iskaashi layeeshaan Culumada.

โ€œWaxaa inaga goโ€™an in hanaanka dib u eegista Dastuurka uu waafaqo shareecada Islaamka, sidaa darted, waxa aan u baahannahay raโ€™yigiina inaga oo xiriir dhow idin la yeelan doonnoโ€ ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Avv Cabdi Xoosh oo ka hadlay sida Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee hada jira lagu sameeyay ayaa sheegay in 2012 ay jireen caqabado badan oo ka hor taagnaa in wadatashiyo badan la sameeyo.

โ€œAnnaga 2012kii markii Dastuurka aan ka shaqeeyneynay waxaa la inagu dhaliilay in kulamo wadatashiyo ah oo badan aanan la qaban, runtii waxaa inaga hortaagnaa kooxaha nabaddiidka oo wadanka badankiis gacanta ku hayay, laakiin xiligan waxa aan ballanqaadeynaa in aan wadatashiyo ballaaran sameeyno Culumaduna ay helaan waqti badan oo ay uga qaybgalaan Geedi-socodkaโ€ ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa dhamaan Culumada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhow u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay doorkooda aadka u muhiimka ah ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...