Shirka Golaha Wasiirada oo laga soo saaray Goโ€™aamo muhiim ah ee Amniga iyo Xasilinta, soona dhoweeyey Shirka London

Date:

Muqdisho, 11 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Raโ€™iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga iyo Xasilinta Dalka iyo Shirka London ka furmay shalay.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Shirka London isla markaasna u mahadceliyey Dowladda UK oo door hoggaamineed ka qaadatay sidii shirkaas u dhici lahaa oo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhanka nabadeynta, sugida amniga, iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah. Sidoo kale Golahu waxey u mahadceliyeen doorka beesha caalamka iyo Qaramada Midoobey.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha ciidamada ee Booliiska, Xooga Dalka iyo Nabad-Sugida. Warbixin tifatiran ee la xiriirta sugida amniga iyo nabadeynta dalka ayaa golaha wasiiradu ka doodeen isla markaasna ku biiriyeen talooyinkooda. Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Taliyeyaasha ku ammaanay warbixintooda, qorsheyaasha ay soo jeediyeen iyo sida ay uga goโ€™antahay in dalka loo nabadeeyo.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii cod geliyey goโ€™aamada lagu sugayo amniga taas oo dhammaan xubnaha golaha wasiirada ay si wadar-oggol ah (cod aqlabiyad leh) isagu raaceen goโ€™aamadan:

1. In la sameeyo ciidanka howlgalka xasilinta Caasimadda, oo isugu jira Boliis, XDS & Nabadsugid, kuwaas oo leh hal Talis oo leh hoggaan mideysan.
2. Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-

a. Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda,
b. Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah
Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
3. Ciidamada XDS ee ka qayb qaadanaya Howlgalka Xasilinta Caasimadda, waa inay ka midyihiin HORIN โ€œPolizia-Militariyaโ€.
4. Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
5. Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa masโ€™uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka & Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS muddo 10 casho gudohood.

1. Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Masโ€™uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
2. Iyadoo la fulinaayo jiheynta & Tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka goโ€™aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda.
3. Waxaa Taliska Ciidanka Boliiska laga doonayaa in muddo 60 casho ku eg ay ku soo dhisaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxda Qaranka iyo goobaha Muhiimka ah ee Dowladda.
4. Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay waxaa la farayaa in xarunta Howlgallada wadajirka ah ay si joogto ah u ogaysiiyaan dhaq-dhaqaaqa Ciidanka iyo Hubka ay maamulaan.
5. Ilaalada Goobaha Ganacsiga sida Hoteelada, Carwooyinka, Isbitaalada, Jaamacadaha iwm, waxay masโ€™uul ka ahaan doonaan amni darrada ka dhaca goobaha ay ilaaliyaan iyo agagaarkeeda, oo ayagoo wax ka qaban kara, ka baaqsada inay ka hortagaan, ama u soo gudbiyaan Ciidamada Amniga.
6. Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqan geliyaan xarunta Hoggaaminta Howlgalka Xasilinta Caasimadda oo loo gartay JOCC, taasoo noqonaysa Taliska Howlgalkan.
7. Howlgalka xasilinta Caasimadda wuxuu u bilaaban doonaa si deg-deg ah, inta ka horaysana Ciidan waliba kaalinta howlgalka kaga soo aadday ciidan & qalab waa inuu ku wareejiyaa Taliyaha Howlgalka.
8. Maamulka Gobolka Banaadar ayaa ka howlgalaya Abaabulka & Baraarujinta dadweynaha iyagoo kaashanaya Wasaarada Warfaafinta, bulshada qaybaheeda kala duwan, iyo Hayโ€™adaha amniga.
9. Wasarada Warfaafinta ee Dowladda Federaalka wuxuu masโ€™uul ka ahaan doonaa:-
a. Doorka warbaahinta ee la xiriira Howlgalka Xasilinta Caasimadda iyo sidii saxaafada loola wadaagi lahaa macluumaadka howlgalada amniga lagu sugayo.
b. Doorka Wacyigelinta bulshada oo ka baxaya Warbaahinada Dowladda iyo kuwa madax-banaan.

Dhammaan goโ€™aanadan kor ku xusan waxaa la waafajinayaa Dastuurka, Shareecada Islaamka iyo shuruucda dalka.

DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...