Wasiirka Caafimadka oo booqatay dhaawacyadii la dhigay Cusbitaalka Digfeer

Date:

Wasiir Fowsiya ย Abuukar Nuur ย oo ay wehliyaan qaar ka mid ah howlwadeennada wasaaradda ayaa booqday ย Cusbitaalka Digfeer oo la dhigay 15 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawac may qaraxii ka dhacay agagaarka Wadada Shaqaalaha iyadoo mid mid u gacan qaaday lana wadaagta xanuunka Soo gaaray.

Qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Cusbitaalka ayaa warbixin kooban ka siiyay sida ay tahay xaladda dadka hadda yaalla cusbitaalka oo gaaraya todobo ruux oo dhaawacyo daran qaba.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda federaalka Soomaaliya ย Dr Fowsiyo Abuukar ย ayaa sheegtay in dhaqaatiirtu u sheeegeen in cusbitaalka la keenay 15 oo mid ka mid ah intii ย loo fidinayay ย Daryeel caafimaad uuย geeriyooday halka todobo kale oo helay adeeg caafimaad dib ay ugu laabteen guryahoodii ย todobo kale oo xaaladdoodu daran tahayna lala tacaalayo.

โ€œDhaqaatiirta Cusbitaalka aad ayay u mahadsan yihiin sida ay ugu dadaalayaan Daweynta Dhaawacyada daran ย Allaha unaxariisto intii dhimatay inta dhaawacanna Allaha ย Caafimaad Siiyoโ€ Sidaasi waxaa yiri ย wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Dr Fowsiya Abuukar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...