Madaxweyne Erdogan โ€œma aqbaleyno in Israโ€™il ay mamnuucdo aadaanka Salaadaโ€

Date:

Warbixin uu qoray Waregeyska The Guardian ayaaย  sheegeysa in mar kale ay soo laabatay xiisada u dhaxeysa Turkiga iyo Israโ€™iil, kadib markii Madaxweynaha Turkiga Racep Dayip Erdogan uu ku eedeeyay Israaโ€™iil in Falastiiniyiinta ay kula dhaqmeyso โ€œcunsuriyad iyo midibtakoorโ€

Isโ€™raaiil ayaa dhankeeda ku eedeysay Turkiga inay ku xadgudubtay xuquuqda aadanaha, iyada oo sidoo kale u yeertay Safiirkeeda ย u fadhiya Dalkaasi.

Erdogan ย isaga oo ka hadlayay Magaalada Istanbul waxa uu yiri โ€œgoโ€™doominta magaalada Gaza wax xiriir ah lama laha biniโ€™aadanimada

Madaxweynaha ayaa ku booriyay Muslimiinta in ay booqdaan Masjidul Aqsaa ee Magaalada Qudus, iyaga oo muujinaya taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, waxa uuna ku baaqay dhismaha Dowlad ay leedahay Falastiin oo Caasimadeedu ay tahay Qudus.

Wareyska ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga uu cambaareeyay mashruuca horyaalla Barlamanka Israaโ€™iil ee Aadaanka looga mamnuucayo Israaโ€™iil iyo Magaalada Qudus.

โ€œhaddii aad rumeysan tihiin Diintiina, maxaad oga baqeysaan aadaanka? Ma aqbaleyno in aadaanka laga mamnuuco Qudusโ€ ayuu yiri.

Madaxweynaha Israaโ€™โ€™iil Reuven Rivlin oo ka jawaabay hadalka Turkiga ayaa yiri โ€œwaxaan maqalnay codad Weerar ku ah dhismaha nolosha Israaโ€™iil ee Qudus, waxaan leeyahay Dadkaasi tan iyo sanadkii 1850 ayey Yahuuda ahayd shacuubta ee Qudus xitaa xiligii boqortooyada Turkiga ee Cusmaaniyiintaโ€

 

Xiisada diblumaasiyadeed ee cusub ayaa imaaneysa xilli labada quwadood ay mudadii dambe isku dhaafsanayeen Shirar golaha ammaanka Golaha ammaanka eedo la xiriira xudubyada ka dhanka ah biniโ€™aadanka.

 

Labada Dowladood ee Israaโ€™iil iyo Turkiga ayaa horay oga heshiiyay khilaaf ka dhashay Weerar Ciidamada Israaโ€™iil ay ku dileen 9 Turki ah oo la socday Markab gargaar u siday Magaalada Gaza.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...