Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo magacaabay Golaha Amniga Gobalka

Date:

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir, kaasi oo waajibaadkiisa shaqo uu noqon doono sugida Amniga iyo xasiloonida Gobalka Banaadir.

Afhayeenka Gobalka Banaadir oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golahan uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayna Xubin ka yihiin Golahan Xubnaha kala ah:-

1- Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

2- Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

3- Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

4- Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

5- Taliyaha Nabadsugida

6- Taliyaha Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

7- Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...