Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Ergeyga Jaamacadda Carabta oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay

Date:

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi ayaa maanta si rasmi ah u sagootiyay Madaxa Ergada Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdalla Idriis oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay.

Xafladda oo qado sharaf aheyd, laguna sagootinayay Ambassador Mohamed Abdalla Idris ayaa waxaa ka qeybgalay Safiirrada dalalka carbeed iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa bogaadiyay howlqabadkii Danjire Idris iyo kaalinta Jaamacadda Carabta ay ka qaadatay iskuduwidda taageerada Carbeed ee Soomaaliya.

Mudane, Cabdulqaadir Axmed-Kheyr ayaa muujiyay baahida dowladdiisu u qabto xoojinta iyo dardargelinta dadaalada Jaamacadda Carabta ay ku dooneyso in dhammaan dalalka carbeed ay dib uga furtaan Safaaradihii ay Caasimadda Muqdisho ku lahaayeen muddo 26 sano kahor.

Xafladda sagootinta oo ku dhacday jawi heerkiisu sarreeyo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Ambassador Ali Mohamed Ali, Agaasimeyeyaasha iyo saraakiisha Waaxyaha Carabta iyo Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...