Kulan looga hadlayay horumarinta adeega Garsoorka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Kulankani oo looga hadlayay Dardargelinta Gargsoorka Dalka ayaa waxaa ka soo qeygalay Wasiirka Cadaaladda, Wasiir ku-xigeenka Amniga, Xeer Illaaliyaha Qaranka, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha dalka, qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, Aqoonyahanno dhanka sharciga iyo mas’uulyiin kale ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Maxkadda Sare ee dalka.

Kulanka oo lagu qabtay Xarunta maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa looga hadlayay sidii ay Bulshada Soomaaliyeed u heli lahayd Cadaalad iyo sinaan dhinaca adeega Garsoorka.

Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiirka Cadaaladda Abuukaate Xasan Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loobahanyahay in la helo cadaalad ay bulshada ku qanacsanyihiin iyo waliba wadshaqeeyn dhaxmarta Garsoorka, Waasaradaha Amniga iyo Cadaaladda ee dowladda Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in kulani uu yahay mid muhiim ah lana xoojiyo dhanka cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iikar Sameeleen oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeeyn u mahad ciliyay mas’uulyiinta ka soo qeybgashay, isagoo tilmaamay in kulani uu yahay mid bile ah oo ay talada iyo tusaalo ka heleen oo ku adan xoojinta garsoorka dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo tayayn lahaa adeega Garsoorka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...