Xildhibaanadda Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 28 aad

Date:

Kulanka ayaa ajandahiisa waxa uu ahaa dhagaysiga warbixin gudiga madaxa banaan ee dastuurka iyo xeritaanka kalfadhigii 1aad ee aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya.

kalfadhiga ayaa ahaa kii 1aad kulankiisa 28aad waxaana soo xaadiray 38 mudane kulanka waxaa shir gudoominayay cabdi xaashi cabdulaahi.

Maxamed daahir afrax gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa ugu horayn warbixin ku aadan howlaha gudiga iyo shaqooyinka ay soo qabteen siiyay mudanayaasha aqalka sare.

Gudiga howl ayay soo qabteen intii ay shaqaynayeen wax badana way u dhiman yihiin waxaana ka codsanaynaa dowlada iyo shacabka soomaaliyeed in ay gacan naga siiyaan sidii waajibaadkeena u gudan lahayn,,

prof, xasan mahad alle oo ka mid ah gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa isaguna mudanayaasha u sharxay dastuur waxa uu yahay.

Dhinaca kale gudoomiyaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya cabdi xaashi cabdulaahi ayaa  ka hadlaya kulamadii ay yeesheen iyo shaqooyinkii ay soo qabteen oo gudoomiyaha ku sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay aqalka sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...