Shir looga hadlayo Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Date:

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng: C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda, wasiirada warfaafinta maamul-goboleedyada dalka ka jira iyo agaasimeyaashooda.

Shirka oo socon doona mudo sadex maalin ah ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobo ay kamid yihiin in si wadajir ah warbaahintu ay uga qeyb qaadato wacyi galinta barnaamijka la dagaalanka Argagixisada, oo wasaaradda warfaafintu ay ku howlantahay.

Sidoo kale shirka ayaa dhinacyada ka qeyb galaya isku soo hadal qaadi doonaan arimo la xiriira dib u eegista xeerka Saxaafadda, iyo hadii ay suura gal tahay wax ka badal lagu sameeyo qaar kamid ah qodobada ku jira xeerka.

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in  masuuliyiinta shirka ka qeyb galaya ee matalaya dowlad-goboleedyada ay ka dhageysan doonaan talooyin iyo fikrado ka qeyb qaadanaya horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed, taasi oo ay hormuud ka yihiin masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Sanadkii hore ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku qabsoomay shir sidaan oo kale ay soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay Istiraatiijiyadda Warbaahinta Qaranka.

Xigasho: SONNA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...