Shirweyne lagu horumarinayay Arrimaha Soomaalida oo madaxtooyada Ohio lagu qabtay

Date:

Shirweyne si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay natiijada cilmi-baaris muddo saddex sano ah qaadatay ayaa lagu qabtay aqalka looga taliyo gobolka Ohio. Shirweynahan oo ka koobnaa khudbado, aqoon is weydaarsi iyo casho sharaf ayaa waxaa soo agaasintay hay’adda SomaliCAN oo dhaqdhaqaaqda danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaa shirweynaha ka soo qaybgalay madax ka kala socotay magaalada Columbus, gobolka Ohio, iyo Madax heer Qaran a, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yusur Abraar, Dr. Bashiir Nuur Bidaar oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka bangiga Chase, culumaa’u diin, ganacsato, Ardayda jaamacadda iyo qaybaha kale ee bulshada.

Professor Jibriil Maxamed oo ah madaxa SomaliCAN isla markaasna Macallin sare ka ah jaamacadda Ohio State ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in ujeeddadu tahay in la isu keeno indheer-garadka Soomaalida iyo madaxda la doortay ee heer magaalo gobol iyo heer qaran intaba si loo helo warbixin ku salaysan cilmi baaris iyo aqoon si wada jir xal loogu helo caqabadaha ay wajahaan dadka Soomaaliyeed ee reer Ohio. Jibril ayaa ku dhawaaqay in hay’adda SomaliCAN ay tababbari doonto toban dhallinyaro Soomaaliyeed ah si loo kobciyo ka qaybgalka Soomaalida ee arrimaha Dowladda.

Cabdi khayr Soofe oo ah madaxa arrimaha soo galootiga ee magaalada Columbus ayaa ka warramay xaaladda dadka ku cusub Maraykanka isaga oo sheegay in ay horumar baahsan ka samaynayaan dhinacyada aqoonta, ganacsiga iyo shaqooyinka.

Khadra Maxamed Shire oo madax ka ah ururka haweenka Ohio ayaa ka warbixisay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee Ohio iyo sida ay hormuud uga yihiin dhan walba.

Cabdirisaaq Faarax oo ka tirsan wasaaradda amniga gudaha Maraykanka, Mushtaaq Ducaale oo u hadashay dhallinyarada, Cabdirisaaq Cali Ciise oo u hadlay ganacsatada iyo Axmed Cali oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa dhammaantood muujiyay horumadka Soomaalida iyo sida ay uga qaybqaataan arrimaha gobolka Ohio.

Ugu dambayntii, Stefanie Chambers oo ah qoraaga buugga “Somalis in the Twin Cities and Columbus,” oo ah bare jaamacadeed ayaa soo bandhigtay natiijada cilmi baaristeeda. Dr. Chambers waxay sheegtay in Soomaalida Ohio ay haystaan caqabado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...