Shirweyne lagu horumarinayay Arrimaha Soomaalida oo madaxtooyada Ohio lagu qabtay

Date:

Shirweyne si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigay natiijada cilmi-baaris muddo saddex sano ah qaadatay ayaa lagu qabtay aqalka looga taliyo gobolka Ohio. Shirweynahan oo ka koobnaa khudbado, aqoon is weydaarsi iyo casho sharaf ayaa waxaa soo agaasintay hay’adda SomaliCAN oo dhaqdhaqaaqda danaha dadka Soomaaliyeed.

Waxaa shirweynaha ka soo qaybgalay madax ka kala socotay magaalada Columbus, gobolka Ohio, iyo Madax heer Qaran a, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe Yusur Abraar, Dr. Bashiir Nuur Bidaar oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka bangiga Chase, culumaa’u diin, ganacsato, Ardayda jaamacadda iyo qaybaha kale ee bulshada.

Professor Jibriil Maxamed oo ah madaxa SomaliCAN isla markaasna Macallin sare ka ah jaamacadda Ohio State ayaa khudbaddii furitaanka ku sheegay in ujeeddadu tahay in la isu keeno indheer-garadka Soomaalida iyo madaxda la doortay ee heer magaalo gobol iyo heer qaran intaba si loo helo warbixin ku salaysan cilmi baaris iyo aqoon si wada jir xal loogu helo caqabadaha ay wajahaan dadka Soomaaliyeed ee reer Ohio. Jibril ayaa ku dhawaaqay in hay’adda SomaliCAN ay tababbari doonto toban dhallinyaro Soomaaliyeed ah si loo kobciyo ka qaybgalka Soomaalida ee arrimaha Dowladda.

Cabdi khayr Soofe oo ah madaxa arrimaha soo galootiga ee magaalada Columbus ayaa ka warramay xaaladda dadka ku cusub Maraykanka isaga oo sheegay in ay horumar baahsan ka samaynayaan dhinacyada aqoonta, ganacsiga iyo shaqooyinka.

Khadra Maxamed Shire oo madax ka ah ururka haweenka Ohio ayaa ka warbixisay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee Ohio iyo sida ay hormuud uga yihiin dhan walba.

Cabdirisaaq Faarax oo ka tirsan wasaaradda amniga gudaha Maraykanka, Mushtaaq Ducaale oo u hadashay dhallinyarada, Cabdirisaaq Cali Ciise oo u hadlay ganacsatada iyo Axmed Cali oo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayaa dhammaantood muujiyay horumadka Soomaalida iyo sida ay uga qaybqaataan arrimaha gobolka Ohio.

Ugu dambayntii, Stefanie Chambers oo ah qoraaga buugga “Somalis in the Twin Cities and Columbus,” oo ah bare jaamacadeed ayaa soo bandhigtay natiijada cilmi baaristeeda. Dr. Chambers waxay sheegtay in Soomaalida Ohio ay haystaan caqabado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...