Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo maanta dil ku fulisay gacan ku dhiigle

Date:

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa booliiska oo magaalada Buurhakaba ku dilay marxuum lagu magacaabi jiray Qaasim Cabdiyoow Keerow isla markaana dhawacay labo wiil oo marxuumka uu dhalay.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aadDhamme Muumin Xuseen Cabdulaahi, ayaa ka sheegay goobtii toogashada ay ka dhacday in dambiilaha uu galay falkii lagu soo eedeeyay maxkamadana la hor keenay caddeeymo iyo marqaatiyo ku filan, isagoo intaa raaciyay in cid kasta oo dambi gåshö la marsiin doono sharciga.

Shaley ayaa maxkamadda ciidamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ay Baydhabo ku toogatay afar dhagarqabe oo ka danbeeyay qaraxyo ay dad ku dhibteen oo ka dhacay Baydhabo..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...