Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga

Date:

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulmay maanta guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Ismail Kahraman iyagoo ka wadahadlay xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlmaanka Turkiga iyo xubnaha wafdiga ku wehelinaya madaxweyne Farmajo booqashada uu ku tegey dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmajo ayaa ugaga mahadceliyay dowlada Turkiga howlaha kala duwan ee ay ku taageerto dalka Soomaaliya waxana uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed gargaarka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlada Turkiga walalahooda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Kahraman ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmajo oo dhowaan ku guuleystey doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Kulankan kadib ayuu Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhigay ubax beerta nasashada ee lagu maamuuso hogaamiyihii weynaa ee aasaasay dowlada Turkiga Ataturk.

Madaxweyne Farmajo oo ay tahay booqashada uu ku tegey dalka Turkiga tii ugu horeysay ee uu ku tago tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Madaxweyne Ordegan waxaana la rajeynayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...