La Taliyaha Amniga Qaranka oo faahfaahiyey Qorshaha Amniga Qaran ee dalka

Date:

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xuseen Macalin Maxamud Sh. Cali ayaa faahfaahin ka bixiyay Qorshaha Amniga Qaranka Soomaaliyeed oo dhowaan la go’aamiyay.

Md,Xuseen Macallin ayaa sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyaal u soo dhabar adaygay difaaca dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed, ayna intooda badan muddo ka badan 10 sano heegan joogta ah ugu jiraan furumaha oo ay kula dagaalamayaan cadawga nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Federaaka waxaa ka go’an in ciidankaas geesiyaasha ah ee naftood hurayaasha ah loo helo daryeel, qalabeyn iyo inay helaan dhammaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Mana jiro wax saameyn ah oo ciidankan howlgalaya ay ku yeelanayso Qorshaha Amniga Qaranka oo ujeedadiisu tahay sidii loo dar-dargelin lahaa tayaynta ciidanka Soomaaliyeed.

“Haba yaraatee ma jiraan qorshe lagu kala dirayo ciidanka XDS oo aan aragnay in fasiiraad aan sax ahayn laga bixinayo taasi oo aan waafaqsanayn Qorshaha Amniga Qaran,Dowladda Federaalka inay sii xoojiso howlaha ciidanka XDS mooyee ma dhici karto wax dalka dib u celiya” ayuu yiri la taliyaha dhinaca Amniga qaran ee Madaxwaynaha.

Si shacabka ay u fahmaan dooda Qorshaha Amniga Qaranka waxaan halkan hoose ku soo gudbinaynaa sida uu u qoranyahay arrinka ku saabsan ciidamada:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu ka kooban yahay;
• Ciidanka Lugta
• Ciidanka Cirka
• Ciidanka Badda
Waajibaadka ciidanka XDS waa;
• Ilaalinta midnimada Qaranka
• Illaalinta iyo difaaca xuduudaha dalka
• Difaaca cadawga dibadda iyo kan gudaha oo u abaabulan qaab hubaysan oo khatar galinaya xasiloonida dalka.

Qorshaha Amniga Qaranka ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (XDS) tiradiisu ay noqonayso ugu yaraan 18,000 oo aysan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Switzerland oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoontay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Switzerland Marwo Karin Keller-Sutter oo Warqadaha Aqoonsiga ka...

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay Qoysas danyar ah oo ku suugan duleedka Guriceel

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), ayaa gargaar raashin...

R/W Xamse “Tallaabo ayaa laga qaadi doonaa cid kasta oo dhib u gaysata haweenka Soomaaliyeed”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...