Xaalad Dawo La’aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

Date:

Abaarta ku dhufatay Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelatay xoola dhaqatada iyo Beeraleyda, taasi oo sababtay dhimashada xoolaha iyo in ay hoos u dhaco wax soosaarka Baaraleyda.

Ka sakow, saameynta, ay abaartu ku yeelatay Dadka iyo duunyada haddana waxaa ka dhashay cuduro ay ka mid yihiin jadeecadda iyo shubanka oo ay u dhinteen dad badan kuwa kalane ay hadda la jiifaan Xarumaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin kuwa magaalada Muqdisho.

Dad badan oo abaarta uga soo barakacay deegaanadooda ayaa soo gaaray magaalada muqdisho,  kuwaasi oo ay ka muuqato daruuf dhinaca nolosha ah oo ay ka mid tahay tan caafimaad darrada.

Qaar ka  mid ah caruurta Dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Isbitaalka Banaadir oo si lacag la’aan ah ugu adeega bulshada Soomaaliyeed, hase ahaatee Isbitaalka kuma filna in uu wada daboolo baahida Caafimaad Caruurtaasi.

In ka badan 60 Caruur oo ay soo riteen cudurada Shubanka iyo Jadeecadda ayaa la dhigay Isbitaalka Banaadir, kuwaasi oo ay ka muuqato xaalad nafaqo daro oo aad u baahsan, islamarkaana qatar ugu jiraan in ay u dhintaan cuduradaasi.

intii ku sugnaa Isbitaalka waxaa geeriyooday mid ka mid ah caruurta uu soo ritay shubanka, iyada oo  maamulka cubitaalka uu sheegay in uu ka walaacsan yahay in dadkaan ay u dhintaan daryeel la,aan haddii aan lagu gacan siin in loo helo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Madaxa Caafimaadka Cusbitaalka Banaadir Dr Luul Maxamed Maxamuud  ayaa sheegtay  in daawo la,aan tii ugu darnayd ay ka jirto  cusbitaalka banaadir iyadoo baaq u dirtay Madaxda wasaaradda caafimaadka oo ay ka codsatay in caruurta uu hayo Jadeecada loo keeno Tallaaka ka hortagga Cudurkaas si nolosha uabadkaan oo bad-baadiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...