Xaalad Dawo La’aan ah oo ka Jirta Isbitaalka Banaadir

Date:

Abaarta ku dhufatay Soomaaliya ayaa saameyn ku yeelatay xoola dhaqatada iyo Beeraleyda, taasi oo sababtay dhimashada xoolaha iyo in ay hoos u dhaco wax soosaarka Baaraleyda.

Ka sakow, saameynta, ay abaartu ku yeelatay Dadka iyo duunyada haddana waxaa ka dhashay cuduro ay ka mid yihiin jadeecadda iyo shubanka oo ay u dhinteen dad badan kuwa kalane ay hadda la jiifaan Xarumaha Caafimaadka oo ay ka mid yihiin kuwa magaalada Muqdisho.

Dad badan oo abaarta uga soo barakacay deegaanadooda ayaa soo gaaray magaalada muqdisho,  kuwaasi oo ay ka muuqato daruuf dhinaca nolosha ah oo ay ka mid tahay tan caafimaad darrada.

Qaar ka  mid ah caruurta Dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Isbitaalka Banaadir oo si lacag la’aan ah ugu adeega bulshada Soomaaliyeed, hase ahaatee Isbitaalka kuma filna in uu wada daboolo baahida Caafimaad Caruurtaasi.

In ka badan 60 Caruur oo ay soo riteen cudurada Shubanka iyo Jadeecadda ayaa la dhigay Isbitaalka Banaadir, kuwaasi oo ay ka muuqato xaalad nafaqo daro oo aad u baahsan, islamarkaana qatar ugu jiraan in ay u dhintaan cuduradaasi.

intii ku sugnaa Isbitaalka waxaa geeriyooday mid ka mid ah caruurta uu soo ritay shubanka, iyada oo  maamulka cubitaalka uu sheegay in uu ka walaacsan yahay in dadkaan ay u dhintaan daryeel la,aan haddii aan lagu gacan siin in loo helo adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Madaxa Caafimaadka Cusbitaalka Banaadir Dr Luul Maxamed Maxamuud  ayaa sheegtay  in daawo la,aan tii ugu darnayd ay ka jirto  cusbitaalka banaadir iyadoo baaq u dirtay Madaxda wasaaradda caafimaadka oo ay ka codsatay in caruurta uu hayo Jadeecada loo keeno Tallaaka ka hortagga Cudurkaas si nolosha uabadkaan oo bad-baadiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...