Warka la xiriira in hoos u dhac uu ku yimid Cudurka Malaariyada Sanadihii ugu danbeeyey ayaa waxa ay ku beegantahay xili ay maanta tahay maalinta Malaariyada taas oo Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda ay u qabatay Munasanada la xirirta Maalintaas.
Dr Yaasin Nuur Axmed ayaa ka hadlay habka ka horgtaga cudurka duumada iyo la dagaalka in uu bulshadda uu ku sii fido,qaasatan Magaalooyinka iyo dhulka Webiyadda.
Agaaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdullaahi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay dhibaatoyinka Cudurka Malaariyada, daka u nugul sababaha iyo isbadelka cimilada .
Wasiir xigeenka Wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen ayaa sheegay in Cudurkaa Maleeriyada iyo Cudurada kalaba looga gudbikaro iskaashi iyo wacyigelinta Bulshada .
Maanta oo ay ku beegantahay maalinta Maleeriyada Adduunka ayaa laga xusay guud ahaan caalamka in Cudurka heerka qaadista uu marayo 20% halka dhimashada ay tahay 30%.