Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka J/Hoose

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay deeganka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo mudo kahor laga xoreeyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa socdaal dhinaca dhulka ah ku tagay deeganka oo ay dagan yihiin ciidamada qalabka sida waxaana  Kismaayo ay u jirtaa 45 KM.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay xayndaabka Xerada milateri ee ay ciidamadu halkaas ku leeyahiin, waxaana uu warbixino ka dhagaystay Saraakiisha iyo hogaanka ciidanka ee halkaas ku sugnaa, isagoo kulan gaar ah oo lagaga hadlayay abaabulka hawlgalka Jubbaland lagaga xoraynayo Al-Shabaab uu la yeeshay Saraakiisha waxaana intaas kadibna ku dhiiri galiyay in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha gaar ahaan in ay caawiyaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool deeganka maadama ay dhibaatadii Argagixisada ka dulqaadeen.

Dhamaan ciidamada dowlada ayuu madaxweynahu sheegay in xuquuq lama taabtan ah ay leeyahiin maadama ay naftooda u hurayaan sidii ay amaan ugu seexan lahayeen hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed.

Mushaarka iyo daryeelka ciidanka ayuu xusay madaxweynahu in ay xooga saareen mudadii u danbaysay isla markana askari walba oo ka tirsan darawiishta uu helo mushaar joogto ah intaasna laga sii kordhin doono.

Madaxweynaha Jubbaland  ayaa sheegay in farqiga ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab u dhexeeya uu yahay in ay Shabaab doorteen dhibaataynta dadka aan waxba galabsan halka ciidamadu ay biyaha iyo daawada la daba joogan oo ay kaalmaynayaan.

Ciidamada tababaradu ay u socdaan marka ay dhamaystaan layliga askarinimo ayuu xusay madaxweynahu in la bilaabayo hawlgalkii ugu danbeeyay oo Al-Shabaab lagaga xoraynayo gobolka marka hawshaas ay fushana ay ku dadaali doonan sidii Soomaalida kale gacan looga siin lahaa dabar jarka Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...