Dowladda Federaalka oo Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadka Abaaraha dalka

Date:

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha aheyd iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka  u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Al-Othman ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dalka Imaaraadku uu u fidiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba gaar ahaan qorshaha ololaha lacag ururinta ee maalinta Jimcaha ah ee 21ka April 2017 oo dhammaan telefishinada dalka Imaaraadka ay si toos ah (live) lacag ururin ugu sameynayaan u gurmadka abaaraha Soomaaliya saacadaha 1da duhurnimo ilaa iyo 7da fiidnimo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya ma iloobi doonto cid kasta oo u soo gurmata waqtigan xasaasiga ah oo ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayaan abaaro ba’an oo laga cabsi qabo in macluul ay dalka ka dilaacdo. Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo si toos ah u gar-gaara shacabka tabaaleysan ee u baahan gar-gaarka waan uga mahadcelineynaa u gurmadka waqtigan xasaasiga ah iyo u asteynta maalinta Jimcaha ee 21ka April 2017 ee dhammaan TV-yada dalka Imaaraadka ay Olole lacag ururin u sameynayaan dadka abaarahu aafeeyeen oo la filayo in 100 milyan oo lacagta Imaaraadka ah in la ururiyo.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ahba kaalin firfircoon ka qaadanayey u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda oo ay Ololaha Imaaraadka ee lacag ururinta ay si xoog leh uga qeybqaataan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...