Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Mareykanka

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Washington ee Caasimadda Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA  ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay u tageen tahay ka qeybgalka sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka oo sanadkasta qabta labo shir, waxaana  la isku xogwareystaa in dowlad waliba waxa ay tabaneyso laga wareysto.

Wasiir Beyle ayaa hadalkiisa ku daray “Sanduuqa lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa labo shir qabta, waxaa shir adduunka oo dhan ay isugu timaado, oo ay kala hadasho waxa ay tabanayaan, isla markaana ay u ogolaato inay qaataan deymo horleh”

Mudane Beyle ayaa sheegay in  Adduunka uu aad u xiseeynayo dawladda cusub ee Soomaaliya waxaana uu tilmaamay  in waxyaabo badan ay ka wada hadleen sidii  Dawladda Soomaaliya looga taakuleen lahaa xaga dhaqaalaha.

“Waxaan kala hadalnay sidii dhanka dhaqaalaha ay nooga caawin lahaayeen, iyagoo naga cosaday inaan xoojino dhanka amniga, waxaan kaloo ka  wada hadalnay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka kala socoto 200 dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka

Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari...

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...