Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Mareykanka

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Washington ee Caasimadda Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ย ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay u tageen tahay ka qeybgalka sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka oo sanadkasta qabta labo shir, waxaanaย  la isku xogwareystaa in dowlad waliba waxa ay tabaneyso laga wareysto.

Wasiir Beyle ayaa hadalkiisa ku daray โ€œSanduuqa lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa labo shir qabta, waxaa shir adduunka oo dhan ay isugu timaado, oo ay kala hadasho waxa ay tabanayaan, isla markaana ay u ogolaato inay qaataan deymo horlehโ€

Mudane Beyle ayaa sheegay inย  Adduunka uu aad u xiseeynayo dawladda cusub ee Soomaaliya waxaana uu tilmaamayย  in waxyaabo badan ay ka wada hadleen sidiiย  Dawladda Soomaaliya looga taakuleen lahaa xaga dhaqaalaha.

โ€œWaxaan kala hadalnay sidii dhanka dhaqaalaha ay nooga caawin lahaayeen, iyagoo naga cosaday inaan xoojino dhanka amniga, waxaan kaloo kaย  wada hadalnay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahayโ€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka kala socoto 200 dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale