Ra’iisul wasaaraha JFS oo sheegay in Dowladda ay ku shaqeyneyso Aragtida shacabka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga  Gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho ayaa boqolaal shacabka xeebta Liido kula damaashaaday, si uu dareensiiyo in dowladda  ka go’an tahay inay la qaybsato   shacabkeeda  xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin isla markaana  waxa uu ka  dhageysanayey  fikirkooda ku aadan  qaabka ay doonayaan  in dalkeena  lagu hogaamiyo.

Mudane Xasan Cali kheyre  Ra’iisul Wasaaraha  dalka ayaa  shacabkii ku sugnaa  xeebta  oo  u badnaa dhallinyaro  ayaa mid mid u waydiiyey  sida ay doonayaan in ay dowladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u dareeensiiyey in dowladda ay ku shaqayneyso  aragtida wanaagsan ee  bulshada

Ganacsato  xeebta ku  haysta  ganacsiga yar  ayuu Ra’iisul waasaare Kheyre  ku dhiiri gelinayey inay  shaqadooda wataan , kala xogwareystay  hadii ay jirto caqabado  haysta  oo ka hor imaanaya  in ay siiwataan ganacsigooda .

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  oo xeebta Liido kula hadlay dadkii uu kula kulmay xeebta  ayaa tilmaamay in Xukumadda ay ku shaqayneyso  rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , si looga miro dhalliyo halbeega Xukumadda ee karti iyo hufnan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa afaafka hore  ee Tiyaaratarka Qaranka waxa uu kula kulmay  dad naafo ah oo  xilligaasi hor fadhiyey laaamiga,  isagoo  la qaybsanayey daruufta  haysata oo sababtay  in  qaraxda  ay  fariistaan waana uu ka farxiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kormeeray ciidanka XD ee ku sugan duleedka Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen...

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA

WARGELIN: DIIWAAN-GELINTA XOG-DHOWRAYAASHA IYO XOG-ADEEGSADAYAASHA Iyadoo la tixraacayo Qodobka 32-aad...

Jadwalka imtixaanka fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u...