fikradaha lagu soo bandhigay Bar. TEDx Muqdisho, Live SNTV

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, hiigsigeyga waa in Muqdisho ay noqoto mid ka mid ah magaalooyinka adduunka ugu horreeya, waxaan dhiiragelinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga shaqeeya Iskaa Wax u Qabso.

Waxaan u mahacelinayaa dadka dedaallada Muqdisho lagu dhisayo sameeyey ee bilaabay, waxaana u istaagi doonnaa dhammaanteen sidii aan uga wada qeyb-qaadan lahayn dhismaha caasimaddeenna Somaaliyeed.

Barnaamijka Iskaa Wax u Qabso, waxaa lagu dhisay caasimadaha dalalka Suuriya iyo UK, kuwaas oo horey ugu bururay dagaalladii  dalalkaas ka sooo dhacay, waxa  uu intaa raaciyey in uu dhiiragelinayo  howshaan oo Muqdisho aad muhiim ugu ah.

Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta Cabaas Siraaji, aaa TEDx Muqisho ka jeediyey khudbad, waxa uu ka sheekeeyey taariikhda noloshiida.

“waxaan ku noolaa xerada qaxootiga adduunka ugu weyn ee Dha-dhab dlaka kenya, halkaas ayaan ku soo barbaaray, runtii waxaa ka jirtay xaaladda, adag, heerarka waxbarasho oo dhan ilaa jaamacadda, Gaarisa iyo Nairobi ayaan ku soo qaatay, hey’adda Q.M beeraha  qaabilsan ayaan shaqo ka helay sannadkii 2011-kii oo ay dalku ka jiree abaaro ba’an, waxaa muhiim ah inaan micno u yeelno taariikhdaas, si aan dadkeyga iyo dalkeyga uga faa’ideeyo, waa midda ugu abuurta inaan yeesho hammi siyaasadeed, taasoo  aan ogaa in ay caqabado badan kala kulmi doono”  ayuu yiri wasiirka howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ujeedada arrintaasi waxa uu ku tilmaamay in ay sidii  uu uga qeyb-qaadan lahaa isbadelka ka socdey dalka, annigana waxaan ku dedaalay sidii aan u baraarujin  lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, isbadelkii siyaasadeed ee doorashooyinkii Soomaaliya ka dhacay ayaana keeentay inaan maanta halkaan soo gaaro, waa tusaale ay sameeyeen dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu raaciyey wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Siraaji.

Naciima Abwaan Qorane, ayaa TEDx Muqdisho iyaduna ka jeediyey khudbad, waxa ay diiradda saartay,  sida ay lagama-maarmaan u tahay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay qaataan doorkooda oo ay badbaadiyaan dalkooda, iyagoo dhan walba u  istaagaya horumarinta, ilaalinta iyo sare u qaadidda magaca Soomaalida, Gabey ay kula hadleyso dhallinyarada ayeeyna madasha ka jeedisay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...