Dhallinyaro Tartan xifdinta Qur’aanka uga qeyb galay Kuwait oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

Date:

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh  ayaa munaasibad casho iyo sagootin ah ugu sameeyay xarunta safaaradda Wiilal Soomaaliyeed oo tartan Quraan xifdin ah oo la qabto sanadkiiba mar uga qayb galay wadanka Kuwait.

Dhallinyarada Soomaalida ah ee ka qayb galay tartanka isla markaana kaalimo muhiim ah ka galay ayaa waxaa ay kala ahaayeen

1:Axmed Burhaan Maxamed oo Soomaalida Mareykanka ka socday

2:Cabdirisaaq Geedi Xaashi oo Soomaaliya ka socdey

3:Cumar Maxamed Mukhtaar oo isna matalayay Soomaalida  Norway ku dhaqan.

Munaasibada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait, Qunsulka, mas’uuliyiin iyo culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhamaantood u muujiyay farxad dhallinyaradaas .

Munaasabadda waxaa ka hadlley Madaxa Culimada Soomaalida ee Kuwait Sheekh Maxamuud Xaji wuxuuna ka warbixiyey tartanka ay ka qayb galeen  kaalimaha ay kalla gallen iyo  guusha ay u soohoyeen guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo baraarujiyay dhallinta tartanka ka qayb gashay .

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Kuwait Mudane Abiib Muusa Faarax ayaa dhankiisa bogaadiyey guusha ay u soo hoyeen wiilashaani bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay tahay mid taariikhda u gashay.

Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin Sheekh oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in guusha ay u soo hooyatay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay dedaalka balaaran ee ay sameeyeen.

Mudane Cabdiqaadir Amiin Sheekh iyo mas’uuliyiinta kale ee safaaradda ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyay dhallinyarada tartanka ka qayb galay, waxaana ka qayb galay tartankaan quraan aqriska ah culimo ka kala socotay ilaa 63 dal oo dunida ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...