Boqorka Sacuudiga oo la kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka

Date:

U adeegaha labada Xaram ee shariifka ah, ahna Boqorka dalka Sacuudi Careebiya Boqor Salmaan Bin C/casiis Ala Sacuud, ayaa kula  kulmay magaalada Riyad Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka James Mattis, oo haatan booqasho ku maraya wadamo ka tirsan Bariga dhexe.

Wakaladda Wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in kulankaasi dhex maray labada masu’ul ay uga wada hadleen arrimaha horumarinta cilaaqaadka iyo saaxibtinimda labada dal Mareykanka iyo Sacuudiga gaar ahaan  dhinaca difaaca iyo guud ahaan dhacdooyinka arrimaha Caalamka siiba tan bariga dhexe iyo wadamada kale ee Carbeed.

Bayaankaa laga soo saaray Xarunta Pentagon ee Mareykanka  ayaa lagu sheegay in Xoghayuhaha Gaashaandhigga Mareykanka James Mattis,  sidoo kale booqan doono dalka Masar isagoo Madaxda dalkaasi kala arrinsan doono xagga qadiyadda amniga ee mandiqadda,kadibna uga sii baqooli doono Israel halkaaso oo uu kula kulmi doono dhigiisa Gaashaandhigga ee Israel iyo waliba R/wasaaraha Israel.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 22-ka bishan uu James Mattis u tegi doono dalka Qadar oo saaxib dhaw la ah Mareykanka,kadibna waxa uu imaan doonaa dalka Jabuuti, isagoo la kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ka wada hadli doonaan sidii Mareykanka taageero dhanka amniga ah ugu fidin lahaa mandiqadda.

WD/Mukhtaar

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...