Baladwayne oo laga hirgaliyay kaamam dadka lagu quudiyo

Date:

Muqdishi-(SONNA)- Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Maxamed Axmed Food Cadde ayaa sheegay in kaamam dadka abaarta saameysay lagu quudiyo ay ka hirgeliyeen magaalada Beladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu tilmaamay inay jireen dad u dhintay abaarta darteed.

Guddoomiyaha oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qoysas badan oo abaartu saamaysay ay soo gaareen Baladwayne, waxaana uu intaa ku daray in magaalada ay ka hirgaliyeen xarumo dadka soo barakacay lagu quudiyo oo ay ku siiyaan cunto bisil, maadaama ay xaalado adag oo xagga nolosha ah ay ku suganyihiin qoysaska barakacayaasha ah.

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne Maxamed Axmed Food Cadde ayaa tilmaamay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay xalay degmada ku dileen Nabadoon caan ah, isagoo intaa ku daray inay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen kooxihii ka dambeeyay dilka Nabadoon Mustaf Maxamed Dhicisow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...