Kulan looga hadlaayey tayeyta Waxbarashada Dalka oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa  tayeynta waxbarashada Dalka ayaa waxaa  Magaaladda Muqdisho ay ku yeeshay  Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleeedyada,waxaana kulanka soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore looga hadlay kulamo wada tashi oo horey wasaarada waxbarashada ee dowladda Soomaaliya ay ugu  qabatay qeybaha waxbarashada ee Dowladda Goboleedyada ,waxaana wasiirada waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada ay ka hadleen aragtidooda kulankan iyo sida ay la tahay in waxbarashada dalka lagu horumarin karo.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud C/lle ‘’Jaabiri iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay horumarinta waxbarashada dalka islamarkaana looga baahanyahay Dowladda Goboleedyada in ay ku dadaalaan horumarinta waxbarashada deegaanadooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ ayaa kula dardaarmay Madaxda waxbarashada ee Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedyada in la sameeyo Xarumo dowladeed,iyadoo laga tala gelinaayo Daladaha waxbarashada maadaamaa ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta waxbarashada ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in ubadka Soomaaliyeed uu helo waxbarasho tayeysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...