Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Turkiga iyo shacabkiisa

Date:

War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacbiga Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka  soo hooyeen aftidii dhinaca dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi ,taas oo u horseedeysa in uu ku hogaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheega Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib ,qiimo leh oo kamid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya,taas oo aaan u aragno in ay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah.ee u dhaxeeya labada dowladood.

Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka dalka Soomaaliya waxa ay u ajeeyeen  shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada ,horumar iyo barwaaqo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...