Dalka Imaaraadka Carabta oo bilaabay olole lagu taageerayo dadka la ildaran abaaraha ee Soomaaliya

Date:

Madaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi ayaa sheegay in la bilaaay olole lagu uruurinaayo kalmooyin dhaqaale oo loogu talagalay malaayiin  dad ah oo ay ku habsadeen abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

adaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.

Dhinaca kale Duqa magaalada Abuu Dabi Cuweyda Murshid Almarar ayaa isna ka dhawaajiyay in barnaamoj ceelal qodis ah ay ka bilaabayaan gudaha dalka Soomaliya,si ayuu yiri ay wax uga taraan dhibaatooyinka biniaadanimo eek u soo noqnoqday dadka Soomaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...