Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda dowladda oo tababbar uga furmay Muqdisho

Date:

Tababbarkaan Tayeynta shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa ka qaybgelaya in ka badan 100 Shaqaale oo ka kala socda qaar ka mida hay’adaha Dawladda, waxaana uu soconayaa muddo shan cisho, iyadoo ay si Wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Xiriiriyaha  Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi ayaa sheegay in tabbarkan uu yahay mid lagu xoojinayo aqoonta shaqaalaha, ayna joogteyn doonaan siminaarada nuucaani oo kale ah.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbaarashada hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabddulle Jaabir ayaa sheegay in Wasaaraddu ay door muhiim ah ka qaadan doonto tayaynta iyo sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in ay ka faa’iideystaan tababbarka muddada shanta cisho ah ee uu socon doono.

tababarada nuucaani oo kale ayaa ah kuwa dhiiri gelin u noqon kara shaqaalaha hay’adaha dowladda,

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...